Xulka Faransiiska oo ku guuleystay koobka adduunka markii labaad taariikhda…
Xulka Faransiiska ayaa noqday horyaalka kubada Cagta adduunka labaatan sano kadib, kadib markii uu ciyaartii kama danbeysta ah ee finaalka uu goor dhoweyd ka badiyey xulka Croatia.
Ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4 -2 oo guushu ku raacday xulka Faransiiska.

Waa markii labaad oo Faransiisku ku guuleysto koobka adduunka, sanadkii 1998 ayuu ku guuleystay markii ugu horeysay.
Waxaa dabaaldeg uu ka bilowday Garoonka ciyaartu ka dhaceysay, iyadoo kumanaan shacab ah ay isugu soo baxeen magaalada Paris iyo magaalooyinka kale ee Faransiiska.

Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka qeyb galay daawashada ciyaarta finalka ah, waxaana la arkayey macron oo si xamaasad leh u taageeraya kooxdiisa sida ka muuqata sawirada hoose.

Comments
Post a Comment